Deni & Axmed Madoobe oo dib ugu laabanaya degaanadooda

by admin | Monday, May 31, 2021 | 385 views

Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ee Saciid Cabdullaahi Deni & Axmed Maxamed Islaam ayaa waxaa la filayaa inay Maanta dib ugu laabtaan magaalooynka Kismaayo iyo Garoowe.
Labada Madaxweyne ayaa waxaa ay Magaalada Muqdisho uga qeyb galeen shirkii lagu saxiixay heshiiska doorashada ee ka dhacay teendhada Afisiyooni, iyaga oo sidoo kale la kulmay madax kala duwan.

U diyaar garoowga soo dhaweynta Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa waxaa laga dareemayaa magaalooynka Kismaayo iyo Garoowe oo ay kala maamulaan.
Labada Madaxweyne e Puntland iyo Jubbaland ayaa markii ay dib ugu labtaan degaannadooda waxaa la filayaa inay guda galaan wax ka beddelka xubno ka tirsan guddiyada doorashooyinka heer Federaal oo cabasho ka timid.

Like it? Share it!

Leave A Response