Ciidamada dowladda oo howlgallo ka wada Shabeellaha Dhexe

by admin | Monday, May 31, 2021 | 382 views

Ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa ay weli Gobolka Shabeellaha Dhexe kawadaan howlgal ka dhan ah Ururka Al-Shabaab, kaas oo uu hoggaaminayo taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage.
Howlgalka ayaa Ciidamada waxaa ay sigaar ah uga wadaan degaannada kala ah,Gal-labashiir, War dhagax, war ciise, Gaal leef, Qoor dheere, Jilable iyo Cali Fooldheere, Galka Xarareey oo katirsha Shabeellaha Dhexe.

taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa u sheegay Idaacadda Codka Ciidamada in howlgalladii ugu dambeeyay lagu dilay in ka badan 100 Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, sidoo kalena ay ku furteen Gaadiid farabadan.
Sidoo kale waxa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray Taliyaha in howlgallada a weli ka sii socon doonaan Gobolka Shabeellaha Dhexe ilaa degaannadaas laga saaro Ururka Al-Shabaab.
Dagaalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay degaannada howlgalka ay ka wadaan Ciidamada dowladda ayaa waxaa la sheegay inay ku dhinteen dad Shacab ah kuwo kale oo Boqolaal gaarayana ay ka barakaceen.

Like it? Share it!

Leave A Response