Golaha xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobey guddi baaris ah u saaraya xadgudubyadii ka dhacay Gaza

by admin | Friday, May 28, 2021 | 328 views

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay wuxuu isku raacay in la furo baaritaan caalami ah oo furan oo ku saabsan xadgudubyada intii lagu guda jiray dagaalkii 11 maalmood socday ee u dhexeeyay Israa’iil iyo kooxaha Falastiiniyiinta ee Gaza, iyo xadgudubyo “nidaamsan” oo ka dhacay dhulka Falastiin ee la haysto iyo gudaha Israa’iil.

Codeyn ay qaateen 24 dowladood ayaa lagu taageeray, 9 ka mid ah ayaa diiday, 14 ayaa ka aamustay, madasha oo ka kooban 47 xubnood ayaa meel marisay qaraar ka dib fadhi gaar ah oo maalintii oo dhan socday maalintii Khamiista oo ay keeneen Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) iyo wafdiga Falastiiniyiinta.

Qaraarku wuxuu ku baaqay in la abuuro Guddi joogto ah oo baaris ah si ay ula socdaan ugana warbixiyaan xadgudubyada xuquuqda ee Israa’iil, Gaza, iyo Daanta Galbeed iyo Bariga Qudus ee la haysto.

Sida ku xusan qoraalka, guddiga ayaa sidoo kale baaraya “dhammaan waxyaabaha salka ku haya sababaha keena xiisadaha soo noqnoqda, xasillooni darrada iyo sii socoshada isku dhaca” oo ay ku jiraan takoorid iyo caburin.

Baaritaanka waa inuu diirada saaraa sameynta xaqiiqooyinka iyo aruurinta cadeymaha dacwadaha sharciga ah, waana inuu hadafkiisu yahay in la aqoonsado kuwa geysanaya si loo hubiyo in lala xisaabtamo.

Like it? Share it!

Leave A Response