Ciidamada dowladda oo la wareegay degaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe

by admin | Wednesday, May 26, 2021 | 396 views

Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya ayaa howlgal waxaa ay Maanta ku gaareen degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe halkaas oo la sheegay inay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Howlgalka oo uu hoggaaminayay Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Jeneraaal Odawaa Yuusuf Raage ayaa Ciidanka waxeey ku gaareen degaannada War dhagax, War Ciise, Gaal leef, Qoor dheere, jilable iyo Cali Fooldheere, kuwaasi oo ay Ciidamadu kala wareegeen Al-Shabaab.

Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka Gaashaanle Sare Cali Xaashi ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay in ay isaga baxeen degaanada qaar, sidoo kalena uu jiro qasaare xoogan oo ay howlgalka ku gaarsiiyeen Al-Shabaab.

Sidoo kale Afhayeenka waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Ciidamada ay weli howlgalka sii wadaan, isla markaana la filayo inay degaano horleh oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe kala wareegaan Al-Shabaab.

Degaannada ay Maanta Ciidamada xoogga dalka howlgalka ku tageen ayaa waxaa muddo dhowr sano ah gacanta ku haayay Xubno ka yirsan Al-Shabaab, iyada oo Ciidamada xoogga ay dhowr jeer howlgal ku tageen balse ay dib uga soo baxeen.

Like it? Share it!

Leave A Response