Shirka Wadatashiga Qaran ee madaxda Fedaraalka iyo kuwa dowlad goboleedyada oo goordhaw ka furmaya Muqdisho

by admin | Saturday, May 22, 2021 | 395 views

Shirka wadatashiga Qaran ee u dhaxeeya madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir ayaa lagu wadaa in maanta uu si rasmi ah uga furmo Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

Shirkan wadatashiga Qaran ayaa la sheegay in looga hadli doono dhameystirka heshiiskii 17-kii Septembar iyo waliba xalinta khilaafka daba dheeraaday ee ka taagan qabsoomida doorashada dalka.

Saacado kadib ayaa lagu wadaa inuu si toos u furmo Shirka, sida aay shaacisay Xukuumadda Soomaaliya, waxaana shir gudoominaya Shirka Wadatshiga Qaran Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Madaxweynayaasha maamulada Jubbaland, Puntland, Koofur Galbeed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa dhamantood ku sugan magaalada Muqdisho, iyadoo madaxweyne Hirshabeelle oo ka maqnaa Muqdisho uu isna goordhaw kasoo degay garoonka Aadan Cadde si uu uga qeyb galo shirka wadatashiga Qaran oo maanta furmaya.

Golaha Midowga Musharaxiinta iyo beesha Caalamka ayaa dbankooda taageero u muujiyay shirka maanta ka furmaya Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

Like it? Share it!

Leave A Response