Dowladda Soomaaliya oo Ciidamo kala dhex-dhigtay Maleeeshiyo Beeleed dagaalamay

by admin | Saturday, May 22, 2021 | 363 views

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan qeybaha 27aad & 21aad ayaa waxaa la kala dhex-dhigay laba Maleeshiyo Beeleed oo dhawaan dagaal khasaaro geystay uu ku dhx-maray degaano hoostaga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Ciidamada oo ay hoggaminayeen Janeraal Mascuud, laba Xidigle Maxamed Muumin Cilmi Maxamed Saney, gudoomiyaha degmada matabaan iyo ku xigeenkiisa waxgaradka labada maleeshiyo beeleed & mas’uuliyiin kale ayaa ku guuleystay deminta xiisad u dhaxeeysay labada maleeshiyo Beeleed.

Kulan gaar ah oo ka dhacay degaannada ay dagaalada ka dhaceen oo ay goobjoog ka ahaayeen Odayaasha labada Beelood ayaa waxaa lagu gaaray heshiis horudhac ah, iyada oo lagu balamay in muddo 15 Cisho kadib dib la isugu soo laabto.

Odayaasha Dhaqanka iyo waxgaradka labada Beelood ayaa soo dhaweeyay heshiiska horudhac ah ee lagu joojiyay colaadii ka taagneyd degaano ku yaal Galbeedka degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Sanadihii la soo dhaafay ayaa degaano ka tirsan Gobolka Hiiraan waxaa kusii kordhay Colaad Beeleedyada, waxana weli xiisad dagaal ay ka taagan tahay degaano ku yaal Galbeedka Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Like it? Share it!

Leave A Response