Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

by admin | Saturday, May 22, 2021 | 357 views

Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa Gudaha dalkaas waxaa ay xalay ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Soomaalida Ganacsi ahaan u tegay dalkaas, iyaga oo goobta ka baxsaday.

Muwaadinka Soomaaliyeed oo Mahaciisa lagu sheegay Cabduqaadir Caajis ayaa Kooxaha Burcadda ah waxaa ay dhowr xabadood laga dhufteen qeybta Sare ee jirkiisa xilli uu ku sugnaa Deegaanka Durbanville oo hoos yimaada Magaalada Cape Town Ee Dalka Koonfur Afrika.

Mid kamid ah Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa Warbaahinta u sheegay in Kooxaha Burcadda ah ay horay u sii qaateen Agab Marxuumka u yaallay Goob Ganacsi uu ku sugnaa.

Ciidamada Booliska Koonfur Afrika ayaa sida lagu yaqaanay tegay halka dilka uu ka dhacay, balse aysan ku guuleysan inay qabtaan Burcadda dilka gyestay, waxaana dilkaan uu kusoonaadayaa xilli todobaadkii hore dalka Koonfur Afrika lagu dilay 6 Muwaadin oo Soomaali ah.

Like it? Share it!

Leave A Response