Farmaajo oo qiray in dowladdiisu khaladaad ka gashay Warbaahinta Madaxa bannaan.

by admin | Tuesday, May 4, 2021 | 372 views

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Soomaaliya ku qaabbilay qaar ka mid ah madaxda xarumaha Warbaahinta gaarka loo leeyahay ee ka howlgasha Magalada Muqdisho.
Intii uu kulanka socday ayaa Madaxweyne Farmaajo waxaa uu ugu hambalyeeyay Bahda Saxaafadda Maalinta Caalamiga ah ee Xorriyadda Saxaafadda, waxaana Madaxda Xarumaha Warbaahinta ay u gudbiyeen in wax laga qabto dhibaatooyinka mararka qaar ay dowladda u geysato Wariyeyaasha.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qiray in dowladdiisu ay khaladaad ka gashay Warbaahinta madaxa bannaan, sidoo kalena uu sheegay in ay u madx bannaan yihiin sheegista wixii dalka ka dhaca, balse ay muhiim tahay inay kala hadlaan dadka ay quseeyso.
Ugu dasmbeyn Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay shaqada wanaagsan ee ay Warbaahinta Soomaaliyeed u hayso dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay si weyn ugu ammaanayaan doorka wanaagsan ay ka qaateen dowladda dhiska, wacyi gelinta bulshada iyo taabbo-gelinta dimuqraadiyadda.

Like it? Share it!

Leave A Response