faafaahin:Dagaal ka dhacay Jubbada Hoose iyo khasaaro ka dhashay.

by admin | Monday, May 3, 2021 | 367 views

Dagaalka oo u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Jubbaland iyo Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay duleedka degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar jidgal ah ku qaadeen Gaadiid ay leeyihiin Ciidamada Jubballand oo marayay duleedka degmada Dhoobleey, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socday ku dhowaad saacad.

Dadka degaanka ayaa waxaa ay ku warrameen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, hayeeshee aysan sirasmi ah u xaqiijin karin khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda weerarka ayaa warar lagu daabacay Baraha Internet-ka ee taageera waxaa lagu sheegay inay weerarkaasi kula wareegeen Gaari Cabdi Bille ah oo ay lahaayeen Ciidamada Maamulka Jubbaland.

Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ee Gobolka Jubbada Hoose weli wax faah faahin ah kama bixin, waxaana la sheegay in Ciidamada la weeraray oo ku wajahnaa degmada Dhoobleey ay socdaalkoodii iska sii wateen.

Like it? Share it!

Leave A Response