Jubaland oo shaacisay in shuruud la’aan uga qeyb galayaan Shirka uu ku baaqay Rooble

by admin | Monday, May 3, 2021 | 343 views

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday inay ka qeyb gali doonaan shirka uu iclaamiyay rai’sul wasaaraha dowladda Fedaraalka ee soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, kaas oo uu 20-ka bisha isugu yeeray madaxda maamul goboleedyada iyo gobolka Banadir.

Madaxwayna ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo BBC la hadlay ayaa ku baaqay in la isu tanaasulo islamarkana danta shacabka Soomaaliyeed la eego isla markaana raii’sal wasaaraha looga baahan yahay inuu xal u helo arrimihii lagu muransanaa.

“Jubaland wey ka qaybgalaysaa shirka uu ra’iisal wasaare Rooble ku baaqay 20 ka bisha Ayuu yiri” Madaxweyne kuxigeenka dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan.

Maamulka Puntland ayaa dhankooda waxaa laga sugayaa inay jawaab ka bixiyaan shirkii uu xalay ku baaqay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, kaas oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka.

Like it? Share it!

Leave A Response