Dr. Mutlaq oo maanta la kulmayo Qoor-Qoor, Laftagareen & Cali Guudlaawe.

by admin | Monday, May 3, 2021 | 412 views

Dr. Mutlaq Bin Majed Al-Qahtani Ergeyga Gaarka ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowlada Qatar u qaabilsan la dagaalanka “Argagixisada” iyo dhex dhexaadinta xalinta khilaafaadka oo kulamo joogta ah ka bilaabay Muqdisho ayaa maanta lagu wadaa in uu qaabilo Madaxweynayaasha Dowlad-Goboleedyada Galmudug, Hir-Shabeelle & Koofur Galbeed.
Ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay warbaahinta in Dr Mutlaq uu arkayo dhammaan dhinacyada siyaasadda udub dhexaadka u ah si uu u dhageysto cabashooyinka sababay khilaafka siyaasadeed ee hor istaagay qabsoomidda Doorashooyinka Soomaaliya oo muddadii loo qorsheeyay kadib dhacday.
Madaxweynaha DG Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo ka maqan Muqdisho waxa uu kusoo wajahan yahay gelinka hore ee maanta sida ay u xaqiijiyeen warbaahinta ilo kala duwan oo Muqdisho & Baydhabo ku sugan si gaar ahna ula socda safarka Madaxweynaha DG Koofur Galbeed.
Wafdiga ka socda Qadar ayaa la kulmay mas’uuliyiin kala derajo duwan sida Guddoonka labada Gole ee Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta, Taliyaha NISA, Musharixiinta shaqsiyaad kale, inkasta oo aan lasoo bandhigin waxyaabaha sida gaarka ah diiradda ay u saareen.
Dowladda Qadar ayaa 4-tii sano ee muddo xileedka Madaxweyne Farmaajo si toos ah & si dadban uga muuqatay siyaasadda Soomaaliya waana tan keentay in ay soo farageliso muranka daba-dheeraaday ee Doorashooyinka Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response