Jubbaland oo shuruud ku xirtay ka qeyb-galka shir uu ku baaqo Ra’iisul Wasaaraha

by admin | Sunday, May 2, 2021 | 405 views

Iyada oo madaxwaynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo khudbadii uu shalay ka horjeediyay Golaha Shacabka uu ku cadeeyay in howlaha doorashooyinka iyo Amnigeeda uu ku warejiyay Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxa arrintaasi durba ka hadlay dowlad goboleedka jubbaland.
Wasiirka warfaafinta Jubbaland Cabdi Xuseen ayaaa sheegay in shir walba oo lagu baaqo oo looga hadlayo Arrimaha dooashooyinka in aysan kasoo qeyb gali doonin ilaa amaanka guud ee dalka lagu wareejiyo Ra’iisul Wasaaraha.

Wasiirka oo la hadlay Idaacadda Voa-da waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Ra’iisul Wasaaraha uusan awood u lahayn in uu kala qaado Ciidamada isku horfadhiya magaalada muqdisho kaliyana ay tahay waxa Xukuumadda xilgaarsiinta lagu wareejiyay habmaamulka doorashada iyo amaan ka goobaha ay doorashooyinka ka dhacayaan.
Sidoo kale waxaa uu sheegay inay weli taagan caqabada la xiriirta arrinta Gobolka Gedo oo dowladda Soomaaliya ay Ciidamo farabadan geeysay, sidoo kalena amniga magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar uusan aheyn mid la isku haleen karo.
Xubnaha Mucaaradka ayaa dhankooda soo dhaweeyay tallaabada ay qaadeen Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & Xildhibaannada Golaha Shacabka, iyaga oo ka laabtay arrintii muddo kordhinta.

Like it? Share it!

Leave A Response