Maxkamadeynta rag loo heysto dilal iyo qaraxyo oo ka bilaabatay Gaalkacyo

by admin | Saturday, May 1, 2021 | 403 views

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa goordhow ka bilaabatay Maxkamadeynta rag lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab, kuwaas oo laamaha Amniga Puntland ay soo qabteen.

Ragga oo tiro ahaan gaaraya 9 Eedeysane ayaa waxaa la horkeenay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee gobolada Mudug iyo Cayn, waxaana 5 kamid ah loo heystaa in dilal iyo qaraxyo ka dhacay Magalada Gaalkacyo 13-kii sano ee la soo dhaafray.

Goobta Maxkamadeynta ayaa waxaa ku sugan Mas’uuliyiinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee gobolada Mudug iyo Cayn, qaar kamid ah ehellada eedeysanayaasha iyo dad kale oo goobjoog ka ah , kuwaas oo dhageysanaya Maxkamadeynta raggaas.

Dhawaan ayaa Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee gobolada Mudug iyo Cayn waxaa ay xukuno dil ah ku riday 8 eedeysane oo loo heysto dilal ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, tan iyo sanadkii 2008-dii, kuwaas oo qaarkood Caan ka ahaa Magaalada Gaalkacyo.

Like it? Share it!

Leave A Response