Ciidamada diidan muddo kororsiga oo ka hor-yimid inay Muqdisho ka baxaan

by admin | Friday, Apr 30, 2021 | 394 views

Ciidanka Xoogga Dalka ee ka soo horjeeda muddo kororsiga Hay’adaha Dowladda Federaalka ayaa iska diiday inay ka baxaan Magaalada Muqdisho, sababo ku aaddan illaa iyo inta laga xaqiijinayo furitaanka shirka looga hadlayo arrimaha doorashooyinka ee dalka.

Ciidankan iyo Ciidamada Dowladda ayaa habeenkii Axadda ku dagaalamay Magaalada Muqdisho, ka dib markii Ciidamada Haramcad iyo Booliska Gobolka Banaadir ay weerareen hoyga Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Ciidankan ayaa gurmad ahaan ku yimid aagga Madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim Salaad Xasan ee Degmada Hodan oo dagaalku uu ka socday, waxaana horkacayay Saraakiil ay ka mid yihiin Faarax Xasan Xaashi (Faarax Jareer) iyo Liibaan Madaxweyne, waxayna ka tirsan yihiin Guutada 7aad ee Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Faarax Xasan Xaashi waa Taliyaha Ururka Gurmad ee Guutada 7aad, kuwaa oo ka hawlgala deegaanka Leego ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Guutada 7aad ayaa la rumeysan yahay inay fashilisay hawlgalkii Dowladda Federaalka ku dooneysay in lagu soo qabto Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Xoogaga Ururka Gurmad ee Guutada 7aad ayaa haatan fariisimo ka sameystay Degmada Hodan, waxayna Saraakiisha horkaceysa si buuxdo uga horyimaadeen inay xeryahooda dib ugu laabtaan, sababo la xiriira shakiga la sheegay inuu soo kordhay.

Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo ka tirsan Senatorada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Arbacadii sheegay inuu socdo qorshe la doonayo in lagu carqaladeeyo is afgaradka laga gaaray arrinta doorashada, isagoona Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaanadaba uga digay inay carqaladeeyaan amaba xilka ka tuuraan Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

“Kama bixi doono fariisimaha aan ka sameysanay magaalada, haddii la rabo inaan ka baxno waa inay madaxda tagtaa Teendhada Afisyooni, oo halkaasina uu shirka wadahadalada ka furmo. Ninka ku fekeraya inaan xeryaha ku laabano, iyadoo aan heshiis la gaarin waa nin riyooday,” ayuu yiri Faarax Jareere.

Dhanka kale Guutada 4aad ee Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo diidan muddo kororsiga ayaa iska diiday inay baneeyaan goobaha ay kaga sugan yihiin magaalada.

Ciidankan ayaa tan iyo habeenkii Sabtida ku sugan qaybo ka mida Degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan, ka dib markii ay soo faarujiyeen fariisimihii ay ku lahaayen Gobolka Shabellaha Dhexe.

Saraakiil uu ka mid yahay Taliyaha Guutada 4aad ee Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Korneyl Saney Cabdulle Gaab ayaa horkacaya ciidamadan.

Inkastoo Dowladda Federaalka iyo Midowga Musharaxiinta ay horumar ka sameeyeen arrimaha taagan ayaa waxaa haddana muuqato in weli uu kala shaki jiro.

Tani ayaa imaanaysa, xilli Ra’iisal Wasaare Rooble uu Arbacadii shalay ku baaqay in qoysaskii ka barakacay magaalada ay dib guryahooda ugu soo laabtaan.

Like it? Share it!

Leave A Response