Sheekh Shariif oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

by admin | Thursday, Apr 29, 2021 | 402 views

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maalmihii la so dhaafay safar ugu maqnaa dalka dibadiisa ayaa Maanta waxa uu dib ugu soo laabtay Caasimadda Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

Sheekh Shariif ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan labada Gole, xubno kamid ah Xisbiga Hilimo Qaran iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed sidoo kalena ah Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta ayaa tegay Hoyga uu dhawaan ka degay Aaga M irinaayada, halkaas oo uu kulamo kula leeyahay mas’uuliyiin ka tirsan Mucaaradka.

Sidoo kale Sheekh Shariif ayaa waxaa lagu wadaa in uu ka hadlo xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo rabshadii ka dhacay muqdisho ee sababay inay barakacaan Boqolaal qoys.

Like it? Share it!

Leave A Response