Midowga Afrika oo Maanta shir ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya

by admin | Thursday, Apr 22, 2021 | 419 views

Maanta oo Khamiis ah taariikhduna ku beegan tahay 22/4/2021 ayaa waxaa lagu wadaa in Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika ay shir xasaasi ah ka yeeshaan arrimaha Soomaaliya, maadaama weli doorashada Soomaaliya ay ka taagan tahay khilaaf xoogan.

Midowga Afrika ayaa waxaa uu qaadan doonaa door hoggaamineed oo ku saabsan xal u helida xaalada cakiran ee siyaasadeed, waxaana shirkan uu daba socdaa kadib markii Golaha Ammanka ee Qaramada Midoobay ay dalbadeen in Arrimaha Soomaaliya loo daayo Midowga Afrika.

Xubnaha Midowga Afrika ayaa waxaa la filayaa in shirkooda ay kusoo magacaabaan Ergey cusub oo dhex dhexaadiya saamileyda siyaasadeed ee Soomaaliya, si xal looga gaaro khilafka xoogan ee weli ka taagan doorashada Soomaliya.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa malmo ka hor waxaa uu booqasho ku tegay dalka Koongo, isaga oo Madaxweynaha dalkaas oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Midowga Afrika in uu dhex-dhexaadiyo hoggamiyeyaasha Soomaalida.

Beesha Caalamka ayaa dadaal xoogan waxaa ay gelineysaa in xal laga gaaro xaalada cakiran ee ka taagan Soomaaliya, taas oo sii xoogeysatay kadib markii 12-kii Bishaan Xildhibaannada Golaha Shacabka ay muddo kordhin u sameeyeen Hay’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response