Shaqaaqo ka dhacday Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde

by admin | Thursday, Apr 22, 2021 | 414 views

Shaqaaqada oo dhalisay gacan-ka-hadal ayaa waxaa ay dhex-martay Ciidamo ka tirsan NabadsugiddaSoomaaliya iyo Shaqaalaha Hay’adda Socdaalka, kuwaas oo ku wda sugnaa Gudaha garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababta keentay gacan ka hadalka,waxaana wararka aan helnay ay sheegayaan inay sabab u ahayd baaritaan lagu sameeyay Haweeneey la sheegay inay labada dhinac isku qabteen.

Shaqaaqada ayaa waxaa ka dhashay inay dhaawacmaan dhowr qof oo kamid ah dhinacyadii dagaalamay & burbur xoogan oo gaaray agabkii shaqada ee Garoonka, sida ay u sheegeen warbaahinta dad ku sugna xilliga ay dhaceysay shaqaaqada Gudaha Garoonka.

Taliyaha hay’adda socdaalka iyo injisiyadaha Gaashaanle Maxamed Aadan Koofi & mas’uuliyin kale ayaa gaaray Garoonka, kuwaas oo xal ka gaaray muranka gacan ka hadalka isku bedelay ee dhex-maray Ciidamo ka tirsan NISA & Shaqaalaha Hay’adda Socdaalka.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in shaqaaqada ay saameyn ku yeelatay muddo saacado ah Shaqada Garoonka wallow markii dambe ay xaaladda si caadi ah kusoo noqotay, waxaana siwyen looga dareemaya Shaqaaqada Gudaha Garoonka.

Like it? Share it!

Leave A Response