Diplomaasiyiinta Maraykanka & UK oo lagu amray inay isaga baxaan dalka Chad

by admin | Sunday, Apr 18, 2021 | 351 views

Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka waxay ku amartay Diplomaasiyiinta aan daruuriga ahayn ee ka hawlgala Safaaradooda ku taalla dalka Chad inay isaga soo dhoofaan dalkaasi, sababo la xiriira Kooxo Hubeysan oo Mucaarad ah oo ku soo dhawaaday Caasimadda dalkaasi ee N’Dajmena.

Sidoo kale,waxaa la amray in Qoysaska Marykanka ee dalkasi degan inay iyagana isaga soo haajiraan.

Qoraalka ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka waxaa lagu sheegy in Kooxo Hubeysan ay ka soo dhaqaaqeen Waqooyiga dalka Chad, kuwaasi oo u soo jiheystay dhanka Caasimadda, isla markaana ay suurtogal tahay inay dagaal ka bilaabaan.

Muwaadiniinta Maraykanka waxaa loogu baaqay inaysan dalka Chad u safrin, sababo la xiriira deganaansho la’aan iyo Joogitaanka Kooxda Boko Haram.

Dhinaca kale, Dowladda UK waxay Muwaadiniinteeda ka codsatay inay sida ugu dhaqsaha badan uga soo haajiraan dalka Chad.

Dowladda UK waxay kaloo sheegtay in Maleeshiyada Kooxda Jabhadda Isbedelka iyo Heshiiska Chad (The Front for Change and Concord in Chad (FACT) ku soo wajahan yihiin caasimadda dalkaasi ee N’Djamena, kuwaasi oo soo dhaafay Degmadda FAYA oo 770 KM dhanka W/Bari kaga toosan caasimada dalka Chad.

Waxaa kaloo la arkayey Kolonyo kale oo ku wajahan Degmada MAO oo 220 KM dhanka Waqooyi kaga toosan N’Djamena.

Dhinaca kale, Madaxweynaha dalka Chad, Idriss Deby Itno ayaa u muuqda inuu ku horeeyey Doorashada xilligeeda laga soo horumariyey ee bishan April 11-dii ka dhacday dalkiisa, isagoo rajeynayo in mar 6-aad xilkaasi loo doorto.

Madaxweyne Marshal Idris Deby Itno waa 68-jir, wuxuuna ka soo jeeda Qabiilka Bidyat ee Qowmiyadda Zaghawa.

Waxa uu Talada dalkaasi ku qabsaday Nidaam Jabhadaynsanadkii 1990-kii, isagoo xilka ka tuuray Madaxweynihii xilligaasi, Xuseen Habre oo talada hayey muddadii u dhexeysay sanadihii 1982-kii ilaa 1990-kii.

Like it? Share it!

Leave A Response