Farmaajo & Wakiilada Beesha Caalamka oo Teendhada Afisiyooni shir uga furmay

by admin | Saturday, Apr 17, 2021 | 386 views

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goordhow gaaray Xerada Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo halkaasi ku tegay si deg deg ah ayaa Wararka la helay waxaa ay sheegayaan in uu la kulmayo Wakiilada Beesha Caalamka ee fariisinka ku leh Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa ay uga hadli doonaan xaalada dalka iyo dooda ka taagan muddo kororsiga ay Golaha Shacabka sameeyeen, kaas oo Beesha Caalamka ay kasoo horjeesatay.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saaka si deg deg ah ku maray qeybo kamid ah wadada Maka Almukarama oo aan looga baran xilliyada uu tegayo Teendhada Afisiyooni ama garoonka Aadan-Cadde in uu maro

Like it? Share it!

Leave A Response