Madaxweyne Deni oo Maanta hortagaya Baarlamaanka Puntland

by admin | Saturday, Apr 17, 2021 | 455 views

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa lagu filayaa in Maanta Sabtida tariikhduna ku beegan tahay 17/4/2021 in uu hortago Golaha Wakiilada Puntland.
Guddoonka Golaha Wakiilada Puntland ayaa qoraal uu u diray Xildhibaannada waxaa uu habeenkii Khamiista aheyd ku wargeliyay in sabtida ay u diyaar garoobaan Kulanka uu Golaha yeelanayo, isla markaana uu hor-imaanayo Madaxweynaha Puntland.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa waxaa ay sheegeen in Madaxweyne Deni uu golaha uga warbixinayo ismarin-waaga ka taagan doorashada Soomaaliya iyo mowqifka ay qaadan karto Puntland.
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa uu kuanka ka jeedin doonaa khudbad la xiriirta xaalada siyaasadeed ee Soomaliya, shirkii fashilmay ee Afisiyooni iyo muddo kororsiga ay sameeyeen Golaha Shacabka.
Madaxweynaha Puntland ayaa wxalay waxaa uu latashiyo la sameeyay siyaasiyiinta iyo qeybo kale oo kamid ah bulshada, waxaana la filayaa in Puntland iyo Jubbaland ay go’aano isku mid ah ka qaataan xaalada xilligaan ee Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response