faafaahin:Dagaal ka dhacay Gobolka Galgaduud & Sarkaal ku dhintay.

by admin | Saturday, Apr 3, 2021 | 367 views

Dagaalka oo u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Milalteriga Soomaaliya iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay Deegaanka sinadhaqo ee Koonfurta Magaalada Dhuusamareeb.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamada dowladda ay howlgal ku tageen degaanka sinadhaqo, balse ay weerar kala kulmeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab, waxaana la sheegay in dagaalka halkaasi ka dhacay uu ku dhntay Abaanduulihii Ururka 71-aad, Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad Dhamme Sayid Bicir.

Saraakiil ka tirsa Ciidamada qeybta 21aad ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalka ay Al-Shabaab uga dileen saddex Xubnood kana furteen hubkii ay wateen oo uu ku jiray qorayga BKM-ka.

Dhinaca kale Taliyaha guutada 15-aad, qaybta 21-aad ciidanka Xoogga dalka Gen: Mascuud Maxamed Warsame oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa tilmaamay inay dileen xubno Alshabaab ka tirsan oo ay meydadkood yaalaan halka dagaalku ka dhacey, haatana ay wadaan tirakoobka qasaaraha rasmiga ah

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan dagaalka ka dhacay deegaanka Sinadhaqo ee duleedka Koonfureed ee Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Gobolka Galgaduud.

Like it? Share it!

Leave A Response