Kulamo looga hadlayo Amniga oo ka bilaawday degaannada Galmudug {AKHRISO}

by admin | Thursday, Apr 1, 2021 | 421 views

Guddoomiyaha magaalada Dhuusamareeb ahna Duqa Caasimada Galmudug Cabdiraxman Cali Maxamed (Geedaqorow) ayaa waxa uu booqasho shaqo kutagay deegaanka Ceel-Dheere ee hoostaga magaalada Dhuusamareeb.

Guddoomiyaha ayaa booqashada shaqo ee uu kutagay deegaanka u kuurgalay xaalada amni ee deegaanka iyo mida adeegyada arimaha bulshada sida waxbarashada iyo cafimaadka xili Caabuqa Covid19 kufaafayo deegaanada Galmudug.

Gudoomiyaha waxaa booqashada uu maanta deegaanka kutagay waxaa kuwehliyay saraakiisha ciidamada amniga iyo xooga ee kahowlgala Galmudug iyo Dhuusamareeb waxana saraakiisha kamida taliyaha Guutada 15aad Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed qaybta 21aad Gen Mascuud Maxamed Warsame iyo taliyaha howlgalinta guutada 15aad G/lle Cilmi Axmed Wehliye.

Gudoomiyaha iyo saraakiisha ayaana bulshada laqaatay kulamo looga hadlayay xoojinta amniga iyo sidii wadajir loogu wada shaqay lahaa.

Like it? Share it!

Leave A Response