Kulankii BF oo soo xirmay iyo tuhunkii cuslaa oo 3 arrin darteed meesha uga baxay{Akhriso}

by admin | Wednesday, Mar 31, 2021 | 404 views

Kulankii golaha shacabka ayaa soo xirmay, ayadoo ay ka maqan yahiin 15-ka xildhibaan ee laga mamnuucay iney yimaadaan 5-ta kulan ee soo socota kadib fowdo ay sameeyeen kalfadhigii Sabtidii la rabay iney yeeshaan golaha shacabka.

kulankii golaha ayaa kusoo xirmay jawi degan, waxaana meesha ka baxday tuhunkii laga qabay in xildhibaanada la horgeeyo muddo kordhin loo sameynayo dowladda waqtigeeda dhamaaday.

Xogta aan helnay ayaa sheegaysa in qorshihii muddo kororsiga uu meesha uga baxay saddex arrin dartood, sida ay u sheegen warbaahinta ilo wareedyo ka ag dhow Villa Somalia iyo Guddoonka golaha shacabka.

Qorshihii muddo kororsiga ayaa waxaa meesha ka saaray cadaadiska beesha caalamka ay saartay Mursal iyo madaxda sarre ee waqtigooda dhamaaday, Digniintii cusleyd ee Madasha Bad-baado Qaran iyo shirarka gooni-goonida ah ee ka socda xerada Xalane.

Gudoomiyaha golaha shacabka, Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan oo maanta ka hadlay furitaankii ayaa waxa uu sheegay in saddex ajende kaliya ay miiska saaran-yihiin, kuwaas oo kala ah: Cudurka Cronavirus, u Codeyn Laba Xubnood oo Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha halka meesha laga saaray Ajandaha Saddexaad ee ahaa Sharciga Qaxootiga Qaranka.

Kulankaas ayaa waxaa xaadiray 139-mudane, sida uu guddoomiyaha ka sheegay furitaanka kulanka, waxaana ka maqnaa 15-xildhibaan oo uu guddoomiye Mursal ka mamnuucay ka qeyb-galka kulamada, kuwaasi oo ay is-hortaag ku sameeyen ciidamada dowladda.

Si kastaba, Kulanka maanta ee golaha ayaa ahaa mid indhaha lagu wada hayay, ayada oo qorshaha muddo kororsigana uu si weyn u baahay, midaasi oo keentay in ugu dambeyntii uu meesha ka baxo, kadib markii uu wajahay culeyso badan, lamana oga in weli qorshahaas la keeni doono kulamada dambe.

Like it? Share it!

Leave A Response