MW Ismaaciil Cumar Geelle oo xoojiyay Ololihiisa Doorashada Jabuuti.

by admin | Tuesday, Mar 30, 2021 | 395 views

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xoojiyay Ololihiisa Doorashada 9-ka April 2021 ka dhaceysa Dalkaas, waxa uu taageerayaashiisa ka dalbaday in si kalsooni leh codka ugu taageeraan.

Geelle oo la hadlay Shacabka Degmada Balbala ee Caasimadd Jabuuti ayaa u ballanqaaday in uu wax badan u qabanayo isla markaana mashaariic lagu hormarinayo uu ka hirgelinayo haddii uu mar shanaad ku guuleysto Doorashada maalmo kadib dhaceysa.

Shacabka Balbala ayuu dib u xusuusiyay heerka kala duwan ee Degmada soo martay iyo halka ay maanta gaarsiisan tahay, si calool-furan ayuu u tilmaamay in codkooda uu u baahan yahay si uu xaqiijiyo hamigiisa Doorashada oo ah mid ka sareysa musharaxa kale ee la loolamaya.
“Balbala waxa aan ka bilaabay abaabulka Doorashada, maanta waa ay dhaaftay Magaalo maadaama ay u dhan yihiin Waxbarashada, Goobaha Caafimaadka, Waddooyin & kuwo kale, waxa aan soo gaarsiinay meel wanaagsan, wadajir ayaan u tiigsanay in aan tuulo ka guurno uga gaarsiino Magaalo dhammeystiran” Sidaasi waxaa yiri Ismaaciil Cumar Geelle.

Waa uu sii hadlay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waxa uuna yiri “Qorshaheenna Degmada Balbala waa in aan afar laabno Muuqaalka maanta, waxaana ku hamineynaa in aan joogteyno wadajirkeena & iskaashigeena ku gaarno sidii guud ahaan Dalka oo kaalinta labaad Afrika uga jira horumarka aan gaarsiino meel kasii sareysa ilaa aan la loolano waddamada ka baxsan Qaaradda”.

Maalintii Afaraad ee ololaha musharixiinta Jabuuti ayaa shalay soo idlaatay, waxaana diyaar-garow xooggan uu ka socdaa Gobollada Dalkaas, Bulshada oo tiro ahaan ka kooban 973,560 –ruux sida ku cad daraasadda Bangiga adduunka uu sameeyay (2019) waxa ay sugayaan Natiijada kasoo baxda Doorashada 2021.

Like it? Share it!

Leave A Response