Weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Mozambique

by admin | Sunday, Mar 28, 2021 | 482 views

Maleeshiyaad islaamiyiin ah ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday kolonyo baabuur ah oo isku dayeysay inay badbaadiyaan dad maqaaxi ku xayirnaa xilli uu dagaal ka socday waqooyiga Mozambique, sida ay wararka sheegayaan.

Nin u dhashay dalka Koonfur Afrika ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhintay weerarka balse wax faahfaahin ah lagama hayo weerarkaas.

Boqolaal shacab ah ayaa ka qaxay dagaalka kaas oo Arbacadii ka bilowday magaalada Palma, waxaana dadkaas kamid ah shaqaale ajaaniib ah oo ku howlanaa shidaal qodis.

Shirkadda wayn ee shidaalka qodda ee Total ayaa waxa ay hakisay inay waqooyi bari Mozambique dib uga bilowdo qodista gaaska dabiiciga ah kaddib maleeshiyaad halkaas ka dagaalama ay weerrar ku ekeeyeen magaalada halkaas u dhaw ee Palma.

Qaar ka mid ah dadka rayidka ah ayaa miciin biday gacanka Afugi oo ah goobta shidaalka laga qodayo.

Like it? Share it!

Leave A Response