Jubbaland oo soo bandhigtay Sarkaal Shabaab ah oo howlgal lagu qabtay

by admin | Thursday, Mar 25, 2021 | 502 views

Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen degaano ku yaal duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.
Howlgalka ayaa saraakiisha hoggaamineysay waxaa ay sheegeen in uu ahaa mid lagu xaqiijinayay amniga degaannada Jubaland laguna baadi goobayay Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Saraakiisha Ciidamada Nabadsugida iuyo Sirdoonka dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa ayaa soo bandhigay Magaca & sawirka nin ay sheegeen in uu kamid ahaa Saraakiisha Al-Shabaab, kaas oo ay howlgalka ku qabteen.
Ninka ayaa waxaa lagu Magacaabaa aas Aadan Mohamed (Dhakalow), waxaana Nabadsugida Jubbaland ay sheegeen in ninkaasi uu ahaa madaxii Macluumaadka Jabhada Shabaab ee aaga Kismaayo.
Ciidamada Nabadsugida iuyo Sirdoonka dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa dhowr jer ooh ore waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen Magaalada kismaayo iyo degaano hoostaga, iyaga oo kusoo qabtay Xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo agab kala duwan.

Like it? Share it!

Leave A Response