Qodobada ay ku heshiiyeen Cabdirashiid Janan & dowladda Soomaaliya oo la soo bandhigay{AKHRISO}

by admin | Wednesday, Mar 24, 2021 | 382 views

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga Maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan ayaa Maanta shaaciyay 5 qodob ay ku heshiiyeen isaga iyo dowladda Federaalka, taas oo sababtay in uu dowladda kusoo biro.

Qodobada ay ku heshiiyeen Wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga Maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan iyo dowladda Soomaaliya ayaa waxaa kamid ah.

In uu heshiiska Dowladda Federalka la galay asagoo ah wasiirka amniga ee Jubaland
In ay la socdaan ciidan gaaraya 400 oo askari oo wata 36 gadiid dagaal ah.
3 In Ciidankaas ay la wareegeyso Dowladda Federalka Soomaaliya

In heshiiska uu qeyb ka yahay Kornel Abaas iyo saraakiil kale oo gobolka Gedo joogay
In uusan siyaasadda ka bixi doonin
Sidoo kale Janan waxaa uu sheegay in intaas oo dhan uu ku saleeyay abaaraha iyo collaadda ka taagan gobolka Gedo, uusan dooneynna in uu qeyb ka noqdo is-jidjiidka siyaasadeed ee Xamar ka socda.

Like it? Share it!

Leave A Response