Wasiirka difaaca dalka Talyaaniga oo soo gaaray Muqdisho

by admin | Tuesday, Mar 23, 2021 | 395 views

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka difaaca dalka Talyaaniga Guerrini Lorenzo ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, iyada oo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ay soo dhaweeyeen.

Garoonka diyaaradaha Aadan cadde waxaa wafdiga ku soo dhaweeyey taliyaha ciidanka xoogga dalka General Odawaa Yuusuf Raage iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Wasiirka difaaca dalka Talyaaniga Guerrini Lorenzo ayaa waxaa la filayaa in uu Magaalada muqdisho kula kulmo Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, isaga oo kala hadli doono arrimo la xiriira tayenta Ciidamada.

Like it? Share it!

Leave A Response