Shir deg deg ah oo u furmay Madasha badbaada Qaran

by admin | Monday, Mar 22, 2021 | 435 views

Gudaha Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho waxaa goordhoweyd uu shir uga furay Xubnaha Madasha Badbaadada qaran ee uu hoggaanminayo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayna qeybka yihiin Sheekh Shariif & Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirkaan oo ah mid deg deg ah ayaa waxaa looga hadlayaa arimaha ku saabsan shirka Afisiyooni iyo mowqifka ay ka qaadanayan maadaama uu u furmay Madaxweynaya muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada taageersan dowladda & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Xubnaha Madasha Badbaadada qaran ayaa waxaa la filayaa in kulankooda ay ka soo saaraan Go’aamo culus oo ku saabsan shuruudo cusub oo ay wataan si ay uga qeyb-galaan Shirka labada Madaxweyne ee deni & Axmed Madoobe.

Xubnaha Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya ayaa dhankooda waxaa ay cadaadis saarayaan dhinacyada uu quseeyo shirka si uu u furmo heshiisna loo gaaro.

Like it? Share it!

Leave A Response