faafaahin: Israsaaseyn khasaaro geystay oo ka dhacday Gobolka Galgaduud.

by admin | Monday, Mar 22, 2021 | 436 views

Wararka naga so gaaraya degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta halkaasi ay ka dhacday israsaaseyn geystay khasaaro kala duwan.

Israsaaseynta ayaa waxaa ay dhex-martay Ciidamada Booliska degmada Guriceel iyo maleeshiyaad hubeysan oo isku heysta lahaanshaha Dhulka Schoolka Cilmi-cade halkaas oo ciidamada ay doonayeen inay kala dhex-galaan.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in israsaaseyntaas uu ku dhaawacmay hal Nin oo kamid ah dadka ku nool degmada Guriceel, isla markaana maleeshiyaadka hubeysnaa iyo Ciidamada ay si iskood ah dagaalka u joojiyeen.

Xaalada degmada degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa ayaa haatan ah mid degan, iyada oo israsaaseyntaas aysan weli wax faah fahin ah ka bixin laamaha amniga degmadaasi Guriceel.

Dadweyne fara badan ayaa hor tuban isbitaalka Guriceel oo la gaarsiiyay dhaawaca nin lagu Magacaabo Cabdi Xiirey oo ku dhaawacmay israsaasayn dhex martay booliska iyo dabley hubaysan oo ka dhalatay muran ka dhashay lahaan Shiyaha Dhulka Schoolka Cilmi-cade oo Guriceel Kuyaala

Like it? Share it!

Leave A Response