Goodax Barre oo shaaciyey qorshe uu Farmaajo ‘isku dayey’ intii uu wasiirka ahaa

by admin | Sunday, Mar 21, 2021 | 309 views

Wasiirkii hore ee waxbarashada xukuumadii Xasan Cali Kheyre Cabdullahi Goodax Barre oo ka hadlayay barta Club House oo dhalinyaro badan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku doodo ayaa waxa uu ka hadlay siyaasadda Farmaajo, arrimo qarsanaa, iyo halka uu dalka ku socdo.

Goodax Barre ayaa sheegay in dowladdan ay tahay mid fowdo iyo qas u taagan balse xukuumadii uu la shaqeynayay ee Xasan Cali Kheyre ay aheyd mid ka shaqeyneysay wanaag iyo xal joogto ah.

“Dowladii aan ka tirsanaa ma aheyn qaswadayaal, laakin tan waxey wadaa qas iyo fowdo, dhibaatada ugu wayn ee dalka kajirta waxay ka socotaa Villa Somalia,” ayuu yiri isagoo ka hadlaya Club House

Dhanka kale Cabdullaahi Goodax Barre ayaa si weyn u amaanay maamulada Puntland iyo Jubbaland isaga oo sheegay iney dalka badbaadiyeen islamrkana ay badbaadin doonaan.

Waxa uu Goodax uu tilmaamay inuu car qaladeeyay maamulada Puntland iyo Jubbaland doorashooyinkii madaxtimo ee ka dhacay balse uu ku guul dareestay waxaana uu si gaar ah u xusay in Puntland uu ku bixiyay 2 Milyan oo Dollerka Mareykanka.

“Puntland iyo Jubaland waa labada maamul oo ka madax bannaan Farmaajo. Puntland faragelin toos ah ayuu ku sameeyay doorashadii… Nin uu wato ayuu Minnesota ka keenay, xog ayaan u hayaa inuu 2 Milyan Dollar ku bixiyey.. waana ku fashilmay… Jubbaland waa la ogaa, wixii waanwaan laga soo shaqeeyay ee Xasan Kheyre hormuud u ahaana Farmaajo ayey ka socon waayeen… Labadaas maamul ee Farmaajo ka madax bannaan ayaa Soomaaliya badbaadin doona..,” ayuu yiri Wasiirka.

Hadalka Goodax ayaa ku soo aadaya xili dalka uu kijiro xaalad hubaanti la’aan ah oo laga cabsi qabo in Farmaajo uu dalka geliyo dagaal maamdama uusan u diyaarsaneyn inuu doorasho galo sida ay sheegayaan ilo xog ogaal ah.

Like it? Share it!

Leave A Response