Saldhigga Mareyknaka ee Ciraaq oo La Weeraray

by admin | Tuesday, Mar 16, 2021 | 383 views

Toddoba gantaal ayaa Isniintii lala beegsaday saldhig marti-geliya ciidamada Mareykanka oo ku yaalla waqooyiga Baghdad, sida ay sheegeen ilo-wareedyo amni.

Waa wareeggii ugu dambeeyey weeraro is-daba joog ah oo Washington ay si joogto ah ugu eedeyso kooxo xiriir la leh Iran.

Weerarka xalay lagu qaaday saldhigga Al-Balad ayaan sababin wax khasaare nafeed ah ama waxyeello gaartay saldhigga, sida uu sheegay sarkaal amni oo la hadlay AFP.

Shan ka mid ah gantaallada ayaa ku dhacay xaafad u dhow saldhigga, sida uu sheegay sarkaalka oo intaas ku daray in dhammaan toddobada gantaal laga soo tuuray xaafad ku taalla gobolka Diyala ee deriska la ah Baghdad, kuna yaalla bariga saldhigga.

Ma jirto cid sheegtay mas’uuliyadda weerarada.

Waxaa toddobaadyadii tegay jiray weerar noocan oo kale ah oo lala beegsaday saldhigyada ay degan yihiin ciidamada Mareykanka ee Iraq.

3-dii March, qandaraasle Mareykan ah ayaa lagu dilay weerar kaas oo kale oo lagu qaaday saldhiggga Ain Al-Assad, ee galbeedka Iraq.

Weerarkaas ayaa yimid toddobaad kadib markii ciidamada Mareykanka ay duqeeyeen bakhaar hubka lagu keydiyo oo ku yaalla Syria, oo Pentagon-ka uu sheegay inay adeegsadaan maleeshiyo Iraqi ah oo ay taageerto Iran.

Weerarkaas, oo dhacay 25-kii Febraayo, ayuu madaxweyne Biden sheegay inuu “diginin u yahay” Iran.

Like it? Share it!

Leave A Response