Ciidanka dowladda oo sheegay in ay gubeen gaari Qarax siday

by admin | Monday, Mar 15, 2021 | 542 views

Ciidanka Danab ee ka howlgalla  gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegay in gaari Qarax siday oo ay leeyihiin Al-Shabaab ay ku gubeen tooratoorow ka dib howlgal ay halkaasi ka fuliyeen.

Waxa ay sheegeen in gaariga Qaraxa siday uu ahaa Saaruf, islamarkaana ciidanka Danab ay beegsadeen ka dib markii ay heeleen xog ku saabsan.

Hal ruux oo ka tirsan Al-Shabaab ayay sheegeen in uu ku dhintay Qaraxasi, kaasoo ahaa qofkii waday gaariga Qarxay.

Ciidanka dowladda kama hadlin dhankooda in uu soo gaaray khasaare, mana jiro war kasoo baxay ururka Al-Shabaab oo looga hadlay qaraxaan ay sheegeen in ay ka hortageen ciidanka Danab.

Like it? Share it!

Leave A Response