Hay’ado iyo dowlado hakiyay lacagtii kabka aheyd ee ay siin jireen DF Somalia{AKHRISO}

by admin | Monday, Mar 15, 2021 | 440 views

Wasiiro ka tirsan Xukuumada Soomaaliya, agaasimiyaal iyo saraakiil kale ayaa u xaqiijiyay warbaahinta in dowladda Soomaaliya laga joojiyay lacago kab ah oo ay ka heli jirtay hay’ado caalami ah iyo dowlado taageera miisaaniyada dowladda Soomaaliya.
Mas’uuliyiintaan ayaa u sheegay warbaahinta in arrintaan ay ka dambeyso khikaafyada siyaasadeed ee dalka ka jira iyo qabsoomid la’aanta doorashada. Sidoo kale mas’uuliyiintaan ayaa sheegay in arintaan ay ka dambeysay kadib cabashooyin badan ay gudbiyeen mucaaradka iyo maamul gobaleedyada dalka.
Bangiga Aduunka, Midowga Yurub iyo dowlado ay ku jirto Dowladda Sacuudiga ayaa joojiyay lacagtii ay ku kabi jireen dowladda Soomaaliya waxaana sababta lagu sheegay in muddo xileedka madaxda dowladda dhamaaday, muranka siyaasadeed iyo ku tagri-falka awoodeed oo ay ku dhaqmeyso dowladda Soomaaliya.
Waxaa sidoo kale jirta cabsi xooggan oo ku aadan in Soomaaliya ay isku rogtay nidaam kali-talis ah.

Dowladda Sacuudiga ayaa hore sidaan oo kale u joojisay miisaaniyad 10 Milyan oo ay siin jirtay Soomaaliya markii uu socday go’doomintii Qatar, hase waxay dib u soo celisay markii uu hagaagay xiriirka Soomaaliya iyo Sacuudiga, iyadoo lacagtiina ka dhigtay 5 Milyan oo dollar.
Wararka aan helnay ayaa sheegaya in maamul gobaleedyada qaar iyo mucaaradka ay warqado u direen dhamaan dalalka taageera Soomaaliya, kuwaas oo ay ku dalbanayaan in aysan dhiiri gelin xukun ay ku sheegeen kaligiis talis, caburin dadweyne iyo hantidooda loo isticmaalo olole gaar ah maadaama uu dhamaaday muddo xileedka hogaanka dowladda.
Khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa u muuqda mid ka tagaya raadad xun iyo guuld darrooyin dhaqaale oo aan laga soo kaban karin, waxaana laga cabsi qabaa in uu sii xoogeysto haddii aan xal deg deg ah laga gaarin.

Like it? Share it!

Leave A Response