Ciraaq: Cizzat Ibrahim al-Dour oo ladiley

0
186

150417145838_izzat-ibrahim_512x288_ap_nocredit
Hoggaamiye xag-jir ahaa oo la yiraahdo Cizzat Ibrahim al-Douri, ayaa lagu dilay dalka Ciraaq, waxaa sidaa sheegay saraakiisha dalkaasi.
Waxa uu madaxweyne ku xigeen u ahaa madaxweynihii hore ee Ciraaq, Saddam Xuseen.
Saraakiisha wadankaas ayaa sheegay in uu ku dhintay dagaal ka dhacay gobalka Salaxuddin, ee waqooyiga Ciraaq.
Taageeradiisa ayaa diiday in arrintaasi ay jirto.
Al-Douri, ayaa 72-sano jir ahaa, waxa uuna hoggaaminayay koox la yiraahdo Naqshbandi, oo ah koox xoog badan oo ka dambeysay kacdoonkii kooxda Daacish.
Waxa uu ku xigeen u ahaa Saddam Huseen, oo xukunka laga tuuray markii ciidamo Maraykan ay horkacayaan ay galeen Ciraaq, sanadkii 2003-dii.
Al-Douri, ayaa loo arki jiray in uu ahaa sarkaal sare oo ka tirsan xisbiga Baath

FADLAD KA DHIIBO FIKIRKAAGA QEYBTA HOOSE