Sooyaalkii madaxweyne Cali Mahdi Maxamed iyo waxa lagu xusuusan doono {faallo}

by admin | Thursday, Mar 11, 2021 | 563 views

Waxaa xalay geeriyooday Madaxweynihii afaraad ee Soomaaliya Mudane Cali Mahdi Maxamed oo isbitaal ku yaal Nairobi ku geeriyooday, maalmihii lasoo dhaafayna xanuunka safmarka ah ee Corona uu la ildarnaa.
Waxaan halkaan kusoo koobeynaa taariikh nololeedkii Allaha u naxariistee Cali Mahdi iyo waxa lagu xusuusan doono.
Cali Mahdi Maxamed waxaa uu ku dhashay tuullada Caddoow-uul ee ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe qiyaastii 1938-kii, Waxaana yaraantiisa la keenay Xamar oo uu ku barbaaray, wuxuu waxbarashadiisa asaasiga ah kusoo qaatay isla magaalada Muqdisho, isagoona heerka waxbarashada dheeriga ah kusoo dhameystay dalka Masar.
Sanadkii 1969-kii wuxuu ka mid noqday xubnihii golaha baarlamaanka, iyadoo deegaan doorashadiisana aheyd magaalada Jowhar, oo waqtigaasi ka tirsaneyd gobolka Banaadir, baarlamaanka qaranka wuxuu ku biiray isagoo da’yar, wuxuuna sidoo kale uu howsha siyaasadeed u barbar socday arrimaha ganacsiga, wuxuuna ka mid noqday maal qabeenada waaweyn ee macruufka ka ah Soomaaliya.

Allaha u naxariistee Cali Mahdi, xiligii xukunkii askarta wuxuu billaabay shaqada dowladda wuxuuna ka mid noqday madaxdii waaweyneyd ee wasaaradda caafimaadka maamuleysay, wuxuuna ahaa madaxii la dagaalanka cudurka duumada, iyo agaasimihii guud ee wasaaradda caafimaadka.
Markii ay dowladdii Kacaanka bilowday caburinta iyo eexsiga qabiilka ku dhisnaa Cali Mahdi wuxuu u xerga goostay inuu ku biiro siyaasiyiin dooneysay in dalka iyo dowladdaba lagu toosiyo wadada sharciga ee dastuuri ah kuna dhisan caddaalada iyo sinnaanta bulshada, wuxuuna aakhirkii isaga iyo siyaasiyiin kale ay ku dhawaaqeen 15-05-1990-kii ururkii Maanafeesto ee dhabaha u xaaray in laga takhluuso awoodihii kalitalisnimadii Siyaad Barre, balse ujeedada ururkaasi ayaa ku saleysnaa in si nabad ah xilka uu ku wareejiyo Siyaad Barre, lana dhiso dowladd loo dhan yahay. Todobo bilood kadibna jabhado dadweyne ay xukunkii ka tuureen Siyaad Barre.
Burburkii dowladdii Kacaanka 26-kii Janaayo, Cali Mahdi wuxuu juhdi geliyay in dalku noqdo mid la isku soo celiyo, waxaana qabsoomay shirkii loogu doortay madaxweynaha Somalia isagoo xiligaasi ka maqnaa madashii shirka oo lagu qabtay dalka Jabuuti 1991-kii.
Dowladdii Jabuuti looga dhawaaqay ee Cali Mahdi loogu doortay waxaa ka horyimid Jen. Maxamed Faarax Caydiid oo isagana rabay in loogu dhawaaqo hoggaamiyihii badalay kaliyihii taliyihii Siyaad Barre.
Beesha caalamka waxay soo dhoweysay dib u heshiisiintii iyo dowladdii ka dhalatay Jabuuti ee madaxda looga dhigay Mudane Cali, Nasiib darase waxay ka dhacday dowladdii iyadoo wada hannan maamulkii dalka in magaaladii Muqdisho ka qarxo dagaal sokeeye oo ay isaga horyimaadeen xooggagii afka dhulka daray kaliyihii taliyihii Siyaad Barre.
Dagaalkaasi wuxuu dhacay 1992-kii wuxuuna sababay burbur, barakac, iyo inuu fududeeyo abaarihii wadanka dhacay.
Dagaalkii afarta bilood oo ahaa dagaal aad u xoog badan inta taarikhda laga og yahayna Somalia horay usoo marin, wuxuu sabab u noqday inuu wadanka ka bilaabmo faragelin shisheeye oo ilaa hadda Somalia la ildaran tahay.
Mudadaasi kadib labadii hogaamiye waxay bilaabeen waan waan iyo xal lagu dhameynaayo dhibaatadii wadanka ka dhacday, dabadeedna waxaa la isugu tegay shirkii Addis Ababa ka dhacay iyadoo wax u eg labadaasi hoggaamiye ay bilaabeen tanaasulaad aan hirgelin.
Geeridii Jen. Caydiid kadib, Cali isna wuxuu ka tanaasulay sheegada inuu madaxweyne ka yahay wadanka, wuxuuna aakhirkii ka mid noqday hoggaamiyeyaashii taageerada weyn siiyay inuu qabsoomo shirkii Carte ee Jabuuti, taasoo lagu doortay mudane C/qaasim Salaad.
Mudooyinkaasi kadib Cali Mahdi wuxuuu u xuubsiitay inuu noqdo oday Soomaaliyeed, ee saameyn iyo qeyb weyn ku leh nabadeyn iyo dib u heshiisiin, wuxuuna door ka qaatay shirkii Mbaghati oo u arkayay maslaxad Soomaaliyeed iyo fursado Soomaali dib loogu mideyn karo.
Cali Alle ayaa oofsaday, waqtiyadiisii ugu danbeeyay wuxuu juhdi weyn gelshay isu keenida beelaha Soomaaliyeed oo uu ka bilaabay dib u heshiisiinta qowmiyada Muddullood, taasoo ku guuleystay, naqshadiisase waxay ku saleysneyd inuu heer Soomaaliyeed gaarsiiyo.
Wuxuu ka bilaabay beelihii Muqdishoow deganaa, isagoona dhinaca kale xiriiro toos ah la sameeyay hoggaamiyeyaashii dowlad goboleedyada, sanadkii tegay ay yimaadeen Xamar.
Cali Mahdi aas-aas fiican ayuu u dhigay qaranimada Soomaaliyeed hase ahaatee tallaabooyinkiisii waxay u baahan yihiin Hoggaamiyeyaal dhameystira.

Like it? Share it!

Leave A Response