Kulan looga hadlayay Amniga oo Boosaaso ka dhacay

by admin | Thursday, Mar 11, 2021 | 455 views

Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo safar shaqo ku jooga Boosaaso, ayaa Shir-Guddoomiyey kulan uu la qaaMadaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo safar shaqo ku jooga Boosaaso, ayaa Shir-Guddoomiyey kulan uu la qaatay xubnaha Golaha Wasiirada ee ku sugan Boosaaso.
Kulanka ayaa looga hadlay Amniga Gobolka Bari iyo guud ahaan Puntland iyo dardargelinta howlgalada amni ee ka socda Gobolka oo meel wanaagsan maraya.

Puntland ayaa sheegtay in Dowladda Puntland iyo shacabkeeda ay ku jiraan heegan buuxa, Iyadoo loo guntaday sidii argagixisada looga sifeyn lahaa guud ahaan Puntland.
Al-Shabaab ayaa dhawaan Boosaaso ku qaaday weerar lixaad leh, waxaana ka dhashay khasaare iyo in Maxaabiis laga siidayay xabsiga Boosaaso.tay xubnaha Golaha Wasiirada ee ku sugan Boosaaso.
Kulanka ayaa looga hadlay Amniga Gobolka Bari iyo guud ahaan Puntland iyo dardargelinta howlgalada amni ee ka socda Gobolka oo meel wanaagsan maraya.

Puntland ayaa sheegtay in Dowladda Puntland iyo shacabkeeda ay ku jiraan heegan buuxa, Iyadoo loo guntaday sidii argagixisada looga sifeyn lahaa guud ahaan Puntland.
Al-Shabaab ayaa dhawaan Boosaaso ku qaaday weerar lixaad leh, waxaana ka dhashay khasaare iyo in Maxaabiis laga siidayay xabsiga Boosaaso.

Like it? Share it!

Leave A Response