Al-shabaab oo “tababarta” dhallinyarada Kenya

0
183

150405004902_sp_kenya_attack_624x351_epa
Iyadoo Kenya ay bilowday dhismaha derbi ay ku dhiseyso xuduuda ay Soomaaliya la wadaagto taas oo ay ugu talagashay inay uga hortagto weerarada Al-shabaab, ayaa hadana BBC waxay uruurisay cadeyn muujineysa in Al-shabaab ay gudaha Kenya qortaan dagaal yahaniin.
Magaalada Isiolo, inkabadan 20 dhallinyaro ah ayaa lagu wartramayaa in la waayay.
waxaa la’ogaadey in markii danbe ey soo waceen waalidkooda una sheegeen iney kubiireen alshabab.
Laba isbuuc ka hor, ku dhowaad boqol iyo konton qof ayaa lagu dilay weerar ay jaamacadda Garissa ay ku qaadeen Al-shabaab.
Mid kamid ah dadkii weerarka qaaday ayaa la sheegay inuu Kenyan yahay.
Arrintaasi ayaa loo arkay in Kenya uu haysto dhibaato gudaha ah, taas oo la sheegayo inay bilaabatay kaddib markii ciidamada Kenya ay Soomaaliya galeen.
Ururka Al-shabaab ayaa weli ka hanjabaya in weeraro kale ay ku qaadayaan Kenya.

FADLAD KA DHIIBO FIKIRKAAGA QEYBTA HOOSE