Ugu yaraan laba askari oo ka tirsan Ciidanka Qaranka Afghanistan ayaa ku dhaawacmay qarax ka dhacay gobolka bari ee Nangarhar Maanta oo Arbaca ah sida ay kusoo warantay Wakaalada Tolo News.
Sida laga soo xigtay ilo-wareedyada, dhacdadu waxay ka dhacday agagaarka ee PD8 ee magaalada Jalalabad kadib markii gaari uu haleelay miino wadada dhinaceeda lagu aasay.
Sikastaba, Saraakiisha deegaanka ayaan wali ka hadlin qaraxa.
Dhanka kale Ma jirto cid ilaa iyo hadda sheegatay mas’uuliyadda weerarka, iyada oo badi Weerarada Nuucaani oo kale ah ay sheegato Kooxda Taliban.