Shil sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Masar

by admin | Wednesday, Mar 10, 2021 | 558 views

7 qof ayaa ku geeriyootay, 23 kalena wey ku dhaawacmeen, kadib, markii uu Gaari Bas ah uu Waaberigii hore ee saakayto oo Arbaco ah ku qalibmay Waddo isku xirta magaallooyinka Al-caynu Al-sakhnat iyo Al-suweys ee Galbeedka dalkaasi.

Dadka ku dhintay shilkaasi waxaa ka mid ahaa 2 carruur ah, sida uu sheegay Wakiilka Caafimaadka iyo dadka ee Sweys, Dr, Ismaaciil Al-xafnaawi.

Waxa uu intaasi ku daray in loo yeeray dhamaan Dkhakhaatiirta ka hawlgala Isbitaalka Guud ee Suweys, iyadoo albaabadda loo furay Qolka Hawlgalada Qaliinka ee Isbitaalkaasi.

Taliyaha Amniga ee magaalladda Suweys, Jeneral Maxamed Al-anfi waxa uu isagana sheegay inay Ciiddanka Nabadgeliyada Waddooyinka ee Taraafikada ku soo wargeliyeen inuu gaari bas ah oo ka yimid magaalladda Al-sakhaayaq uu ku qalibmay Bariga Delta, gaar ahaan Waddada isku xirta Al-cayn Al-sakhnat iyo Al-suweys.

Dhinaca kale, Agaasimaha Xarunta Gaadiidka Gurmadka ee Ambalaasta ee magaalladda Al-suweys, Dr. Maxamed Al-dandaawi waxa uu tilmaamay inay 25 Ambalaas u direen goobta uu shilku ka dhacay, si ay dadka dhaawaca u geeyeen Isbitaalka Guud ee Suweys, halka ay maydadka geyn doonaan Goobta maydadka lagu kaydiyo ee The Amiri morgue (الأميرية)مشرحة

Waxaa Turjumay: Ustaad Nuradin.

Like it? Share it!

Leave A Response