Midowga Musharaxiinta oo Walaac Ka Muujiyay Xaalada Dalka iyo Shirka Xalane

by admin | Wednesday, Mar 10, 2021 | 579 views

War  Murtiyeed Kasoo baxay Maanta Golaha Midowga Musharraxiinta ayaa walaac ka muujiyay xaaladda amni ee dalka iyo Cudurada sii kordhaya.

Golohu wuxuu Dowlada Ku Dhaliilay in ay ka gaabisay, masuuliyaddii ka saarneeyd sugidda amniga oo aysan lahayn  wax tabaabusheeysi, baaritaan iyo falcelin muuqda oo lagu qanci karo. War kasoo baxay golaha ayaa sidaan u qornaa.

“Golaha Midowga Musharaxiinta wuxuu aad uga xun yahay amni-darrada, cudurada  sii kordhaaya, iyo dhibaatooyinka nololeed oo dowlad-xumidu qeyb ka tahay oo la soo dersay guud ahaan ummadda Soomaaliyeed. Waxaa muuqata in Dowladda Federaalka ka gaabisay masuuliyaddii ka saarneeyd sugidda amniga oo aysan lahayn  wax tabaabusheeysi, baaritaan iyo falcelin muuqda oo lagu qanci karo.

Waa nasiib darro in tiirkii kowaad ee dowladnimada oo ah in amniga la sugo meeshaas manta laga taagan yahay, loona hanqal-taagayo afar-sano kale oo sidaan oo kale ama ka sii daran Waxaan ku boorineenaa shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay ka taxadiraan cudurka cOVID, una feejignaadaan dhibaatooyinka amni-darrada ah ay geeysanayaan ururada nabad-didka ah oo ka faaideeysta jahawreerka siyaasadeed ee Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday dalka u horseeday. Waa arrin aad looga xumaado in magaalada Muqdísho amni-xumo darteed loogu shiri kari waayo oo Madaxwenaha waqtigiisa dhamaaday dalka u horseedo in Xalane maciin la bido.

Goluhu wuxuu cambaareeynayaa qaraxyadii lala beegsaday Luul Yemani, Xabsiga Boosaaso iyo kii u dambeyyey ee ka dhacay Xalane oo ah goobta lagu ballansan yahay in uu ka dhaco kulanka looga arriminaayo xaaladda dalka. Waxaan shaki ku jirin in ay falalkaas ka dambeeyeen kooxo nabad-diid ah oo aan rabin in dalka heshiis ka dhaco, laakin fursad ka helay fashilka amni ee dowladda oo awooddii ciidanka u adeegsatay caburin shacab iyo la dagaalanka siyaasiyiin ka-aragti duwan.

Goluhu wuxuu soo dhoweeynayaa kulanka ka dhici doono Xalane oo ay u arkaan mid lagu soo afjari karo ismaandhaafka siyaasadeed ee jira, haddii kulanku noqdo mid loo dhan yahay, xakameeya ku takri-falka awoodda qaranka ee Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday, islamarkaarna ay natijadu noqoto mid wadar-oggol ah.

Goluhu wuxuu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed in guushu dhowdahay haddii Allah ka raali noqdo, dalkuna uu doorasho raali laga wada yahay geli doono, hoggaan cusbna dalka yeelan doono”.

Like it? Share it!

Leave A Response