Muhaajireen Ay Soomaali Badan Ku Jirtay Oo Badda Laga Soo Badbaadiyay

by admin | Monday, Feb 22, 2021 | 469 views

Doomo kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Tuniisiya ayaa soo badbaadiyay 103 tahriibiyaal ah, kuwaas oo ka yimid xeebaha Liibiya kuna sii jeeday jasiiradda Talyaaniga ee Lampedusa.

Doontii ay wateen tahriibayasha ayaa ku cilladowday meel u jirta 110 km dekadda Alshaaba ee Tuniisiya

Afhayeen u hadlay ciidamada ilaalada badda ee dalka Tuunisiya ayaa sheegay in dadkaan lasoo badbaadiyay ay caafimaad qabaan loona wareejiyay goob loogu tala galay tahriibayaasha.

Afhayeenka ayaa intaas ku daray in tahriibayaashu kasoo kala jeedaan dalalka Suuriya, Masar, Soomaaliya, Suudaan iyo Bangladesh, waxaana ku jira 6 dumar ah iyo 5 caruur ah.

Like it? Share it!

Leave A Response