Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in faragelin shisheeye lagu haayo doorashada

by admin | Sunday, Feb 21, 2021 | 461 views

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadashay walaaca ay muujiyeen qaar kamid ah dowladaha Caalamka iyo ururada ay Soomaaliya ka tirsan tahay, kadib Shaqaaqooyinkii ay dadka ku dhinteenee ka dhacay magaalada Muqdisho.
War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ay la socdaan walaaca dowaldaha Caalamka ee la xiriira arrimaha dorashooyinka Soomaaliya ee uu khilaafka ka taagan yahay.

“Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay soo dhaweyneysaa walaaca ay muujiyeen ummadaha aan walaalaha nahay iyo Ururada ay ka tirsan tahay Soomaaliya, kuwaas oo soo saaray bayaanno ku saabsan ismariwaaga siyaasadeed ee haatan jira ee la xiriira hirgelinta doorashada oo waafaqsan mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu yiri” Qoraalka Wasaaradda.
Sidoo kale War-saxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in dowaldda Federaalka ay diyaar u tahay ., baahida loo qabo in la dhammaystiro arrimaha haray ee ku saabsan heshiiska siyaasadeed ee 17-kii Sebtember isla markaana lagu xalliyo dhammaan arrimaha si nabad ah wadahadal ah.
“Si loo raadiyo geeddi-socodka lagu xoojinayo Dimuqraadiyeynta, Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay billowday siyaasad ay ku dejiso qaab doorasho oo dadka Soomaaliyeed u suurtagelin lahayd inay u codeeyaan labadooda wakiilladooda baarlamaan iyo Madaxweynaha dalka.
Si kastaba ha noqotee, doorasho taariikhi ah oo hal qof iyo hal cod ah laguma guuleysan diidmada qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka. Iyadoo la daneynayo in la gaaro is afgarad, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ogolaatay soo jeedin ay soo jeediyeen hoggaamiyaasha Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka 17kii Sebtember si loo qabto doorasho dadban. Danta Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa weli sii jirta si ay u qabato doorasho ku dhisan is-afgarad, loo dhan yahay, iyo hufnaan.
Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay nasiib darro tahay in heshiiskii doorashada, iyada oo dowladda ay diyaar u tahay in ay wax ka qabato tabashooyinka, haddana saameynta xoogagga dibedda ayaa weli caqabad ku yihiin dhammaystirka heshiiska si loogu gogol xaaro doorashada.
“Waxaa wax laga xumaado ah, maalin ka hor shirkii la soo jeediyay ee madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya iyo madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka inay ku taageeraan heshiiska farsamada, musharixiinta u taagan xilka madaxweynenimo waxay doorteen inay hareer maraan howsha si ay u maraan waddo sharci darro ah iyo kacdoon hubaysan oo loo ekeysiiyay banaanbax nabadeed ayaa lagu yiri” Warka kasoo baxay Dowladda Soomaliya.
Ugu dambeyn Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay in shirkii uu ku baaqay Maxamed Cabdullahi Farmaajo ay aqbaleen Madaxweynayaasha Saddex maamul goboleed halka laba kale ay weli ka maqan yihiin Magalada muqdisho, waxaana ay ugu baaqday inay shirka kasoo qeyb-galaan.
Wararka ayaa sheegaya in saacadaha soo socda ee maanta ah Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cusmaan Auukar dubbe uu Warbaahinta la hadl doono kana hadli doono arrimo la xiriira eedeynta ay dowladda u jeedineyso qaar kamid ah wadamada Shisheeye.

Like it? Share it!

Leave A Response