DF oo xaqiijisay in Deni iyo A/Madoobe ‘aysan aqbalin’ casumaddii FARMAAJO

by admin | Sunday, Feb 21, 2021 | 481 views

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland aysan weli aqbalin casuumaddii uu u fidiyey madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, si ay Muqdisho uga qeyb galaan wada-hadallada ku saabsan doorashada.
Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa lagu yiri “Dhammaan madaxda maamul goboleedyada, marka laga reebo labo, waxay ka jawaabeen caasuumaddii madaxweynaha, waxayna diyaar u yihiin inay taageeraan heshiiskii guddiga farsamada [ee Baydhaba]”.
“Mar kale, dowladda federaalka Soomaaliya waxay ku boorineysa labada madaxweyne goboleed ee harsan inay kusoo biiraan saxiixayaasha kale ee heshiiskii siyaasadeed ee September 17, si taasi ay dhabbaha ugu xaarto doorasho ay ku jirto danta nabadeed iyo barwaaqada,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ma cadda sababta aysan Axmed Madoobe iyo Saciid Deni u aqbalin casuumadda Farmaajo, hase yeeshee waxaa la rumeysan in kadib weerarkii ay ciidamada dowladda ku qaadeen musharaxiinta mucaaradka iyo dibad-baxayaal ay dib uga gurteen shirka Muqdisho.
Jubaland ayaa qoraal ay soo saartay kadib weerarkaas si weyn ugu dhalleeceysay dowladda federaalka, halka Puntland ay soo saartay qoraal u muuqday inay xaaladda dhex-dhexaad ka tahay.

Like it? Share it!

Leave A Response