Qoor Qoor oo wajahaya halis weyn oo soo rogaal celisay

by admin | Tuesday, Feb 9, 2021 | 387 views

Ciidamo ka amar qaata maamulkii Ahlu-Sunna ee xoogga looga saaray Galmudug ayaa Axaddii si buuxda u qabsaday degmada Matabaan ee gobalka Hiiraan.

ciidanka qabsaday degmada Matabaan ayaa ahaa ciidankii Ahlu-Sunna ee lagu daray qeybta 21-aad ee Milateriga Soomaaliya, waxeyna markii hore ka tirsanaayeen Ahlu-Sunna.
Degmada Matabaan oo ka tirsan Hiiraan waxaa sanadihii ugu dambeeyay ku sugnaa ciidamada Ahlu-Sunna waana degmo muhiim ah oo soohdin la leh magaalada Guriceel oo ka tirsan Galgaduud,islamarkaana ka mid ah goobihii lagu aas aasay Ahlu-Sunna.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa wajahaya culeys weyn oo dhanka ammaanka ah iyo soo rogaal celinta kooxda Ahlu-Sunna oo ay suurta-gal tahay inay ku wajahan tahay magaalada Guriceel iyo deegaano kale oo ka mid ah Galmudug.
Soo rogaal celinta Ahlusunna waxey ku soo aadeysaa xili adag oo ay shacabka magaalooyinka Dhuusamareeb, Guriceel, Balanbal iyo Matabaan ay ka jiraan dhibaatooyin waa weyn oo amni, kuwaas oo sababi kara in ay garab helaan ciidanka Ahlu-Sunna.

Ammaanka Galmudug ayaa aad u xumaaday wixii ka dambeeyey markii uu xukunka la wareegay Qoor Qoor, oo shaqadiisa ka mashquulay, waqtigiisana ku lumiyey inuu dhex fadhiyo Muqdisho, si uu uga shaqeeyo danaha Villa Somalia, oo markii horeba kursiga xoog ku gaysay.

Like it? Share it!

Leave A Response