Wararkii ugu dambeeyay kulamo gaar gaar ah oo ka socda Dhuusamareeb

by admin | Wednesday, Feb 3, 2021 | 410 views

Shir u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada oo gooni gooni ah ayaa waxaa ka socda magaalada Dhuusamareeb.
Dhammaan Madaxda maamulada iyo Madaxda Qaranka ayaa ku sugan Dhuusamareeb caawa, waxaana ugu dambeeyay Madaxweynaha Puntland oo maanta soo gaaray.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shirkan ku baaqay kadib cadaadis xooggan oo ay beesha caalamku ku saartay dhinacyada siyaasadda Soomaaliya isku haya inay xal u helaan muranka ka taagan qabashada doorashada.
Shirkan oo lagu waday inuu furmo shalay ayaa dib u dhacay kadib markii qaar ka mid ah madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ay safarkooda dib u dhigeen illaa maanta.
Maalinta berri ah ayaa lagu waddaa in uu si rasmi ah furmo Shirku, waxaana diirada lagu saari doona muranka doorashooyinka.

Like it? Share it!

Leave A Response