Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo gaaray Gobolka Bakool

by admin | Tuesday, Feb 2, 2021 | 398 views

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa waxaa ay Maanta gaareen degmada Bardaale ee gobolka Bakool.

Wafdiga oo ay qeyb ka yihiin, Wasiirka Haweenka Xaniifo Maxamed Ibraahim Xaabsade, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale waxaana garoonka diyaaradaha degmada Bardaale kusoo dhaweeyay maamulka degmadaas.

Ujeedka wafdiga ka socda dowladda Soomaaliya ee degmada Bardaale u tageen ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay sidii ay u soo qiimeyn lahaayeen Xaaladda bini-aadanimo ee ka jirta iyo qaabka ugu haboon ee kaalmo lagu gaarsiin karo dadka ku dhaqan deegaanada ku xeeran degmada Berdaale.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in xubnaha wafdiga ayaa wadeen gurmad aan badneyn oo dowladda Soomaaliya ugu talo gashay dadka kunol degmada Bardaale oo u go’doonsan Ururka Al-Shabaab.

Inta badan degmooyinka Gobolka Bakool ayaa waxaa ay u go’doonsan yihiin Al-Shabaab, waxaana Dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka koofur galbeed oo is-kaashana ay indhowaalaba howlo gar-gaar ka wadeen qeybo ka mid ah gobollada Baay iyo Bakool.

Like it? Share it!

Leave A Response