Dad ku dhintay Shil Gaari oo ka dhacay duleedka Garoowe

by admin | Tuesday, Feb 2, 2021 | 412 views

Shilkan Gaari oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho & dhaawac ayaa waxaa uu ka dhacay laamiga u dhaxeeya Magaalada Garoowe & tuulada Sinujiif, gaar ahaan geedka loo yaqaan Barde-dawaco, oo qiyaastiii 26km dhanka bari kaga beegan Garoowe.
Shilka ayaa yimid kadib markii uu rogmaday Gaari nooca raaxada ah ee loo yaqaano Market 2 markii mid kamid ah lugihiisa ay u baxday, waxaana inta la xaqiijiyay shilka ku geeriyooday laba Ruux oo mid kamid ah haweeneey tahay halka Saddex kale ay ku dhaawacmeen.

Ciidamo ka tirsan Booliska Puntland iyo dadka tuulada Sinujiif ayaa gurmad u sameeyay dadka ku waxyeeloobay shilkaas, kuwaas oo dhaawacooda la geeyay isbitaalka Guud ee Magaalada Garoowe.
Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa aad ugu batay shilalka Gaari degaano ka tirsan puntland, waxaana shilalkii ugu badnaa ay ka dhaceen wadada u dhaxeeysa Magaalooyinka Garoowe iyo Qardho.

Like it? Share it!

Leave A Response