Axmed Madoobe oo ka hadlay Shirka ka furmaya Dhuusamareeb

by admin | Sunday, Jan 31, 2021 | 519 views

Madaxweynaha  Dowlad Goboleedka Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam oo Maanta Kismaayo kula kulmay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya  James Swan ayaa sheegay in Jubbaland ay diyaar u tahay waxkasta oo lagu xalin karo khilaafka siyaasadeed ee jira.

Waxaa uu sheegay Axmed Madoobe in waxyaabaha la isku haayo oo ay ugu weyn tahay arrinta gobolka Gedo in auy u baahan tahay in si waafaqsan dastuurka iyo heshiisyadii Doorasho ee horay loo galay loogu xaliyo.

“ Jubbaland waxay diyaar u tahay wado kasta oo lagu wada hadli karo xal waarana looga gaari karo is fahanwaaga siyaasadeed ee kajira dalka Madaxda qarankuna hormuudka u yihiin, Arrimaha la isku hayo oo ay ugu horreyso arrinta Gobolka Gedo waxay u baahantahay in si waafaqsan dastuurka iyo heshiisyadii Doorasho ee aan horey u soo galney loo xalliyo si ay u qabsoonto Doorasho loo simanyahay laguna wada qanacsanyahay. Ayuu yiri” Axmed Madoobe.

Ugu dambeyn Madaxweynaha  Dowlad Goboleedka Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in waxyaabo heshiis lagu yahay ay kasoo baxaan shirka magaalada Dhuusamareeb oo uu sheegay in uu tegi doono maalinta berito ah kana qeyb-geli doono.

Like it? Share it!

Leave A Response