Booliska Beledweyne oo Xabsiga dhigay tiro dhalinyaro ah

by admin | Sunday, Jan 31, 2021 | 411 views

Ciidamada Booliska Hir-Shabeelle ayaa waxaa Magaalada Beledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan waxaa ay xalay ku xireen Saddex dhalinyaro ah oo kamid ah kuwo ugu caansan gobolka Hiiraan.
Dhalinyarada la xiray ayaa shalay waxaa ay Beledweyne uga qeyb  galeen shir Beeleed looga hadlayay arrimaha Gobolka Hiiraan, waxaana dhalinyarada oo Saddex gaaraya oo haweeneey ay ku jirto ay xalay ku hoyden Saldhiga Booliska Beledweyne

Laamaha ammaanka Magaalada Beledweyne weli wax faah faahin ah kama bixin sababaha keenay in dhalinyaradaas la xiro, hayeeshee dadka Beledweyne qaarkood ayaa waxaa ay sheegene in ay sabab u tahay ka qeyb-galka shirkii ka dhacay Beledweyne.
Ciidamada Booliska Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa horay waxaa ay u xir xireen dad isugu jira dhalinyaro iyo dad kale kuwaas oo taageero u muujiyay Jabhadda Janeraal Xuud oo kasoo horjeeda habka loo dhisay Maamulka Cusub ee Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.

Like it? Share it!

Leave A Response